Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Hirshabeelle, isagoo magacaabay taliye cusub.
Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa G/Sare Cali Idiris Cusmaan loogu magacaabay Taliyaha Coiidamada Daraawiishta Hirshabelle, iyadoo Xilkaasi laga qaaday Gen. Cali Cabdi Salaan Axmed.
HOOS KA AKHRISO
Qodobka 1-aad
1. Waxaa xilka Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DGHSH laga qaaday Jen. Cali C/Salaan Axmed.
2. Waxaa xilka Taliyaha Ciidanka Daraawiisha DGHSH loo magacaabay “G/le Sare Cali Idiris Cusmaan”.
Qodobka-2aad
3- Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
