Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday iyo caado joogto ah taageerada shacabka u fidiyaan madaxda Soomaalida ee la doorto.
Isagoo saxaafadda la hadlayay kadib kulan ay madaxda maamulada dalka ay la yeesheen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu sheegay inay caado noqotay mar waliba oo madaxweyne la doorto in loo dabaaldego oo loo bannaanbaxo, lana soo dhoweeyo, balse loo baahan yahay shaqo iyo in lala shaqeeyo madaxwyanah.
“Haddii aan shacabka Soomaaliyeed nahay waa xiiso badan nahay, madaxweyne C/llaahi Yuusuf sidaas ayay ahayd, Sheekh Shariif Sidoo kale, Xasan Sheekh sidaas oo kale ayaa loo xiiseynayay, xiisuhu waa fiican yahay laakin waxaa la rabaa in lala shaqeeyo dowladda..” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble.
DHAGEYSO