Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Gobolka SH/Dhexe isagoo u magacaabay guddoomiye cusub.
Wareegto kasoo baxday caawa Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Warsheekh Cumar Maxamed Cumar, waxaana xilkaas dib loogu magacaabay Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo hore u soo noqday Guddoomiyaah degmada balse uu xilka ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle.
Magacaabiddan ayaa lagu sheegay in mid Kumeelgaar ah oo aan wax saameyn ku yeelan doonin Dhismaha Golaha Degaanka ee dhismihiisu hadda socoto, iyadoo ku timid talo soo jeedinta odayaasha iyo waxgaradka degmada Warsheekh.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
