Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani, ayaa si kulul ugu jawaabay hadalkii Madaxweyne Trump ee ahaa ku eedeeyay Iiraan inay tahay dowlad taageerta argagxisada, isla markaana aanu saxiixeynin heshiiska niyukliyeerka ee Iiraan.
Isaga oo hadal ka jeedinaya Telefishanka Iran daqiiqado kadib markii ay dhammaatay khudbadii Trump, ayuu hogaamiyaha Iraan ku tilmaamay madaxweynaha Mareykanka nin aan aqoon u lahayn taariikhda dalkiisa iyo qaabka loo galo heshiisyada caalamiga ah.
Madaxweynaha Iiraan wuxuu sheegay in Mareykanka uu yahay dowladda kaliya ee dunida ka adeegsatay hubka Niyukliyeerka ah oo weliba laba jeer adeegsatay, wuxuna xusuusiyay Mareykanka faragelinta uu dalalka dunida ku sameeyay iyo weerarro gardarro ah oo dad badan oo malaayiin uu ku laayay caalamka oo dhan.
Iiraan ayuu sheegay madaxweynaha Iiraan inaysan weligeed dal kale ku duulin, ayna meel kasta kula dagaalanto argagixisada, wuxuuna intaas ku daray in Trump laftiisa uu sheegay in Daacish uu sameeyay Mareykanka.
Ruuxaani wuxu sheegay in Iran heshiiskaa nukliyeerka u aragto mid dhinacyo badani ku heshiiyeen isla markaana ay dhaqan gelin doonto ilaa inta ay dalalkaa kalena inta ka khusaysa heshiiska dhaqan gelintiisa wadaan.
Wuxuu ku hanjabay madaxweynaha Iran inuu dalkiisa sii wadi doono dhismaha awoodiisa ciidan si uu isaga difaaco gardarrada dibadda, wuxuuna dunida xusuusiyay Niyukliyeerka Yuhuudda heysato ee halista ku haya gobolka iyo dunida oo dhan.