Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarha xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa maanta tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Nabadugidda iyo Sirdoonka ee NISA.
Waxay halkaasi shir kula yueesheen Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan qorshaha Qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee Alshabaab.
Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii khawaarijtu ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta arxanlaaweyaashan ku naaxay dhiigga dadkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.
Madaxweynaha oo la socodo Ra’iisul wasaarahae ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.