Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka baaqday shir Madaxeedka IGAD kadib markii cilad qabsatay diyaaradii uu ku soo safri lahaa.
Saraakiisha IGAD iyo dowlada Federaalka ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle aanu ka soo qeybgeleynin shirka Muqdsho oo xilligan socda, kadib markii diyaaradii uu la socday ay hawada ka noqotay markii ay cilad farsamo oo lama filaann ah ku timid.
Waxaa kaloo shirka ka maqan madaxweynayaasha labada Suudaan Cumar Albashiir iyo Sliva kiir.
Hogaamiyeyaasha shirka IGAD ee Muqdisho ka qeybgalaya waxaa kamida:
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya
Madaxweynaha Kenya
Madaxweynaha Uganda
Madaxweynaha Soomaaliya
iyo Wasiiro metelaya dalalka Jabuuti, Suudaan iyo Koofurta Suudaan
Wadani.com