Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu maamulkiisu wado howlgalladii degaanada maamulkiisa looga xoreyn alhaa maleeshiyaadka Al-shabaab.
C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inay u diyaar u yihiin xoreynta degaanada ay kaga sugan yihiin kooxda Alshabaab ee maamulka K/Galbeed, wuxuuna ugu baaqay shacabka maamulkaasi inay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago dhibaatooyinka argagaxisadu ku heyso dadka.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa caddeeyay in la gaaray xilligii maleeshiyaadka Alshabaab laga xoreyn lahaa Guud ahaan dalka Soomaaliya iyo maamulka K/Galbeed.