Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magacaabay Guddiga farsamada ee soo xulaya xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 10 xubnood, kuwaasoo loo xil saaray howsha soo xulista Baarlamaanka labaad ee maamulka Koonfur Galbeed oo gaaraya 95 xildhibaan.
Magacyada Guddiga Farsamada waxay kala yihiin.
- Maxamed Keerow Maxamed Gudoomiye
2) Mudixiin Aadan Ibraahin Gudoomiye ku xigeen
3) Aadan Maxamed Cali Xoghayn
4) Mowlid Xasan Axmed Xubin
5) Jeylaan Maxamed Cawf Xubin
6) Faadumo Maxamed Axmed Xubin
7) Aamino Cumar Maxamed Xubin
8) Cumar Cali Isaaq Xubin Xubin
9) Faarax Sheekh Maxmed Xubin
10) Caa’isha Ibraahim Cali Xubin.