Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilkii looga xaqyuubiyey Cabdiqaadir Nuur Siidii, waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed C/raxiim Nuur, waxaana loo cuskaday talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha gudaha K/Galbeed.
Wareegtada madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale xilkii looga qaaday guddoomiye ku xigeenkii Amniga gobolka Sh/hoose, iyadoo loo magacaabay Axmed Cumar Maxamed.
Xil ka qaadistan aya imnaaneysa iyadoo xaalad kacsan ka taagan tahay Gobolka Sh/hoose, taasoo ka dhalatay arimaha Doorashada iyo dhismaha maamullada degaanka degmooyinka Gobolka.
