Safiirada dalalka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku fashilmay inay ku qanciyaan inuu ka laabto go’aanka dowladda Kenya ku xireyso xeryaha Qaxootiga ku yaala dalka Kenya.
Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay Wafdiga Golaha Ammaanka oo sidoo kale booqday Soomaaliya in Kenya ay xerooyinka Qaxootiga u xireyso arrimo la xiriira ammaankeeda Qaranka.
Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay ayaa ka codsaday madaxweynaha Kenya inuusan xerin xeryaha Qaxootiga, balse taas bedelkeed laga wadahadalo sidii loo maamuli lahaa, laakiin dowladda Kenya ayaa ku adkeysaneysa inay ku socon doonto qorshaheeda xeritaanka Xeryaha.
Kenya ayaa beesha caalamka ku canaanatay inay dhab ka ahayn wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya oo Kenya keligeedna aanay qaadi karin culeysa amniga ee qaxootiga Soomaalida ku hayaan dalkeeda.
Uhuru oo ka hadlayay magaalada Gaarisa ayaa sheegay in Kenya aysan sii heyn karin qaxootiga Soomaalida, wuxuuna si cad u sheegay in la joogo waqtigii qaxootiga dalkooda lagu celin lahaa.
Wadani.com