Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM uu kala bixi doono sanadka 2018.
Go’aankan ay qaadatay dowladda Kenya ayuu madaxweynaha Kenya ku wargeliyay in Xogahayaha Arrimaha dibdda Mareykanka John Kerry oo booqday dalka Kenya.
Sida laga soo xigtay Talefeshinka CCTV Afrika Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay John Kerry in loo baahan yahay ciidamo ka socda Qaramada Midoobay in la geeyo Soomaaliya.
Kenya ayaa olole ugu jirtay in ciidamada AMISOM ay noqdaan kuwo loo bedelo UN oo hoostaga Golaha Ammaanka, taasoo Mareykanka iyo Midowga Yurub weli diidan yihiin, waxaana waqtiga AMISOM ku eg yahay 2018-ka.
Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka oo saxaafadda Kenya ay weydiisay xilliga AMISOM ka baxeyso Soomaaliya iyo ciidamada UN-ka ee Soomaaliya la geynayo ayaa sheegay in AMISOM ay tahay inay fuliso waajibaadkeeda, balse tiradeeda lagu yareyn karo marka la xoojinayo ciidamada Qaranka Soomaaliya.
Wadani.com