Madaxweynaha la doortay dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta tegay xarunta Madaxtooyada magaalada Garowe ee looga taliyo Puntland, waxaana halkaasi ku dhoweeyay madaxweynaha waqtigiisuna dhammaaday ee C/weli Maxamed Cali (Gaas).
Kulanka labada mas’uul ee xilalka ku kala wareegaya dhowaan ayaa ahaa kulan kala war qaadasho iyo warbixin ah, waxayna labada dhinac ka wadahadleen xaaladda Puntland iyo xil wareejinta la diyaarinayo inay dhowaan dhacdo, waxaana kulanka ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenkii hore iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay.
Dhinaca Madaxweynaha la doortay ee Siciid Deni ayaa la kulmay taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Daraawiishta oo uu kala hadlay arrrimo ku saaban xoojinta amniga. Mudane Deni ayaa ka dalbaday taliyeyaasha inay adkeeyaan amniga guud ee Puntland.