Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ku dhex jira magacaabidda maamulo cusub oo ay yeesheen gobolada iyo degmooyinnka hoos yimaada maamulkiisa ayaa caawa magacaabay maamul cusub oo Gobolka Mudug yeelanayo, qeybta Galmudug ka taliso.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug loogu magacaabay Cabdirashiid Xaashi Cartan, ninkan oo howsha ku cusub ayaa lagu soo dhoweeyay xaflad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta kumeelgaarka u ah maamulka Galmudug.
Xaflada magacaabista maamulka cusub ee Mudug waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan Golaha wasiirada Galmudug wasiiru Dowlaha arimaha gudaha Galmudug, Cumar Guureeye iyo wasiirka waxbarashada Galmudug Ibaraahim Guureeye, wasiirku xigeenka Cadaalada Maxamed Guure, wasiirka waxbarashada iyo wasiiro kale oo fara badan.
Dhowaan ayuu C/kariin Guuleed kala diray golihii iyo maamulkii degmada Gaalkacyo oo muddo dheer dhibaato ka dhex jirtay.
Wadani.com