Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa wareegto cusub ku magacaabay afar degmo oo cusub, kana tirsan Gobolka Hiiraan.
Wareegtada maanta uu soo saaray madaxweynaha Hirshabeelle ayaa daba joogta magacaabid uu dhowaan saddex degmo ku magacaabay, taasoo ka careysiisay beelo fara badan, waxaana uu hadda ku dhaqaaqay inuu xaaaladda uga sii daro isagoo 4 degmo oo cusub haddana magacaabay.
Degaanada uu degmooyinka u magacaabay ayaa kala ah: Feerfeer, Moqokori, Buq Aqable iyo Buurweyn oo la sheegay inay degmooyin cusub noqonayaan.
Hor ayuu Cali C/llaahi Cosoble u magcaabay degaanada kala ah: Ceel Cali, Far Libaax iyo Halgan inay noqdaan degmooyin.
Fashilka heysta madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ah inuu xaglinayo beesha uu jeedo, taasoo ku furtay cadaadis uga yimid beelaha Gobolka Hiiraan oo aan weli ku qanacsaneyn degmooyinka faraha badan ee la magacaabay.
AKHRISO WAREEGTO