Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa la sheegay goordhoweyd ka dhoofay Gaalkacayo isagoo ku siijeeda Itoobiya.
Socdaalka madaxweyne Gaas ee dalka Itoobiya ayaan wax faafhaahin ah laga bixin, mana jirin war uu siiyay saxaafadda, laakiin wararka ku dhow ayaa sheegay in uu ka qaybgelayo shir ka dhacaya magaalada Addis Ababa.
Waxaa Madaxweyne Gaas safarka ku wehliya Wasiirka Ganacsiga Cabdiweli Indho guran iyo xubno kale. C/weli Gaas ayaa si joogto ah u booqda dalka Itoobiya, waxayna mararka qaarkood safarradiisu noqdaan kuwo bil kasta uu iska xaadiriyo Addis ababa.
Wadani.com