Waxaa laga yaabaa in dawladda Maraykanka ay joojiso lacagta deeqda ah ee ay siiso Falastiiniyiinta “oo aan rabin in nabadda laga wada hadlo”, ayuu yiri Trump.
Trump ayaa Twitterka ku soo qoray in deeqda uu Maraykanku bixinayo uusan ku helin “ixtiraam iyo mahadnaq toona” Wuxuu sidoo kale u aqoonsigiisii Qudus uu u aqoonsaday caasimadda Israa’iil uu ku sheegay in ay miiska wadahadalka nabadda “ka leexisay” arrintii kala qaybsanaanta wayn keenaysay.
Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tallaabadaasi ay Maraykanka ka dhigtay mid aan dhexdhexaad noqon karin. Tallaabadii bishii Disembar waxaa iyadana si wayn u cambaaraysay Qarammada Midoobay, iyadoo 128 dal ay ka soo horjeedsadeen tallaabadii uu Trump qaatay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa dabo socday hadal uu horray u sheegay oo ku saabsaa lacagta deeqda ah ee ay Pakistan siiyaan, taas oo uu ku sheegay in waxa Maraykanku uu ka faa’iido balaayiinta doolar ee deeqda ah ee uu bixiyo ay tahay “been iyo khayaano” oo kali ah.
“Pakistan oo kali ah ma aha dalalka aan bilaashka ku siino balaayiinta doolar” ayuu madaxweynuhu ku billaabay Twitterkiisa Talaadadii.
“Tusaale ahaan Falastiiniyiinta waxaan siinaa boqollaal milyan oo doolar sannad walba, haddana abaal iyo ixtiraam midna kuma helno. Xataa ma doonayaan in ay galaan heshiis nabadeed oo ay ahayd in mar hore la gaaro , ayuu yiri.
Israa’iil ayaa sheegata in magaalada oo dhan ay tahay caasimaddooda. Falastiiniyiintuna waxay doonayaan in Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsaday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967 in ay noqoto caasimadda dawladda ay mustaqbalka yeelan doonaan Falastiiniyiintu.
Si kastaba ha ahaatee Trump ayaa go’aansaday in uu si rasmi ah Qudus ugu aqoonsado caasimadda Israa’iil, inkastoo looga digay in ay arrintaasi daganaansho la’aan ka abuuri karto gobolka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in uu caasimadda Maraykanka u rari doono magaaladaTel Aviv, halkaas oo dalalka kale oo dhan ay qunsulado ku leeyihiin. Ku dhawaaqitaankaas ka dib madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in uusan aqbali doonin wax qorshe ah oo ay keentay dawladd Trump.
“Maraykanku wuxuu caddeeyay in uu yahay dhexdhexaadiyo aan daacad ka ahayn hannaanka nabadda,” ayuuna sii raaciyay. Wuxuuna sidoo kale ku baaqay in Qudus ay tahay caasimadda lama taabtaanka ah ee Falastiiniyiinta”.