Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saray Wareegto dalkiisa looga mamnuucayo shirkadda isticmaalka iyo la-macaamilka barta caanka ah ee bulshada ‘TikTok’ ee ay leedahay shirkada shiineeska ee ByteDance.
Amarkan madaxweynaha ayaa dhigaya in Mareykanka “ay khasab tahay in tallaaba adag uu ka qaado milkiilayaasha shirkadda TikTok, si loo difaacao ammanaka qaranka Mareykanka”.
Amarka Madaxweyne Trump ayaa shirkadda loogu qabtay muddo 45 maalmood ah in lagu mamnuucayo haddii aanay iibsan qeybteeda Mareykanka shirkad Mareykan ah, waxaana sidoo kale xayiraad wajiji doona shirkad kasta oo Mareykanka ah oo iskaashi dhaqaale ama xiriirkale la yeelato shirkadda ByteDance ee leh TikTok.
TikTok oo ah mid ka mida baraha bulshada ee lagu xiriiro oo lagu faafiyo muuqaalo gaagaaban oo fan iyo ciyaaro ah ayaa qabsatay dunida, iyadoo halis weyn gelisay shirkadaha waaweyn ee Mareykanka sida Facebook iyo Instrigram, taasoo keenay inay ka mid noqoto dagaalka dhaqaale ee Mareykanku kula jiro Shiibaha.
Madaxweyne Trump ayaa TikTok ku eedeeyay inay basaas u tahay Xisbiga Shuuciga ee ka daliya dalka Shiinaha, iyadoo xogta dadka Mareykanka gudbisa. Arrintaas waxaa si weyn u beeniyey shirkadda TikTok. Waxaa kale oo ay waxba kama jiraan ku tilmaameen in xogta khaaska ah ee daka isticmaala TikTok ay u gudbiso Xukuumadda Shiinaha.
Isla wareegtada madaxweyne Trump waxaa sidoo kale lagu mamnuucay shirkadda WeChat oo iyana laga leeyahay Shiinaha. Aaladda Wechat ayaa ah mid bulshada ay isticmaasho oo farriimaha la isugu diro.