Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweynaha Mareykanka oo Qorsheynaya Dhismaha Ciidan Saldhigiisu yahay Hawada Sare [Warbixin]

    Madaxweynaha Mareykanka oo Qorsheynaya Dhismaha Ciidan Saldhigiisu yahay Hawada Sare [Warbixin]

    August 10, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Mareykanka oo raba in uu ciidan u sameeyo meel ka baxsan meeraha dhulka. Ciidamada Jawiga sare: Ololaha 2020 ee Trump ayaa ka codsanaya taageerayaasha in ay u codeeyaan loogada astaanta u noqoneysa ciidankaas.

    Ujeeddada uu Donald Trump ku qorsheynayo in lagu abuuro ciidanka Jawiga sare ee hawada wali lama hir gelinnin, balse masuuliyiinta ololihiisa ayaa rajeynaya in arrintaasi ay dalka u kordhin doonto awood dheeraad ah oo xagga dagaalka ah.

    Agaasimaha ololaha dib u soo doorashada Trump ee sannadka 2010-ka Brad Parscale ayaa maalintii talaadada ahayd farriin email ah u diray taageerayaasha isagoo ka codsaday in ay u codeeyaan loogada astaanta u noqoneysa ciidamada jawiga sare ee hawada taasoo goor dambe la iib geyb doonto.

    Farriinta email-ka ah ayaa timid xilli madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu kasoo hor muuqday golaha waaxda gaashaan dhigga ee Pentagon-ka si uu sharraxaad uga bixiyo soo jeedinta ku saabsan ciidamada jawiga sare ee hawada.

    Dadka isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa si dhakhso ah qoraallo ugasoo bandhigay sheekada la xiriirta fikraddaan ku aadan laanta cusub ee Milatariga.

    “Madaxweyne Trump waxa uu doonayaa dhismaha CIIDANKA JAWIGA SARE – war weyn oo muhiim u ah mustaqbalka America iyo jiidaha hore ee dagaalka,” akhriso email-ka ka soo baxay kooxda ololaha Trump.

    “Innagoo u dabbaal dageyna dhawaaqa weyn ee kasoo yeeray madaxweyne Trump, ololeheennu waxa uu iibin doonaa qeyb cusub oo ku saabsan qorshaha.”

    Mr Parscale ayaa ka dib ka codsaday taageerayaasha in ay kala xushaan lix loogo oo astaanta ciidankaas ah, kuwaasoo mid ka mid ahna ay ku qorantahay jumladda: “Meeraha Maris ayaa sugaya”

    Haddii uu Trump ku guuleysto barnaamijkaan, ciidamadaas ayaa noqon doona laantii lixaad ee Milatariga Mareykanka oo markii hore ka koobneyd waaxda dhulka, cirka, badda, ciidanka ilaalada xeebaha iyo ciidamada mariiniska ee kumaandooska ah.

    Dad badan oo arrimaha milatariga falanqeeya ayaa su’aalo ka keenay waxa ay soo kordhin karto in la sameeyo ciidan ka howl gala jawiga sare, waxaana qaarkood ay is weydiiyeen waxa halkaas laga difaacayo.

    Waxaa xitaa walaac laga muujinayaa kharashka faraha badan ee uu kusii kordhin doono miisaaniyadda lacageed eek u baxda ciidanka.

    Hase ahaatee madaxweyne Trump ayaa marar badan ku cel celiyay muhiimadda uu leeyahay ololahaan iyo sida uu dadaalka ugu bixin doono hir gelintiisa.

    In laan cusub lagu soo kordhiyo waaxda milatariga Mareykanka waxa ay u baahnaan doontaa ansixinta aqalka congress-ka, waxaana hadda socota dood ku saabsan arrintaas.

    Dadka qorshahaan aan la dhacsaneyn waxa ay aaminsanyihiin in howlaha laga qaban lahaa jawiga sare ee hawada ay horayba u dabooleeh ciidanka cirka.

    Sarkaal howl gab ah oo ka tirsanaan jiray hay’adda ammaanka qaran ee Mareykanka(NASA) ayaa telefishinka CNN-ka u sheegay in waqtigaan waxa ugu weyn ee ku haboon in diiradda la saaro ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad galyada dhinaca internet-ka.

    Space Force Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSomalia’s electoral stakeholders agree to work towards an efficient electoral system
    Next Article Dowladda Eriteria oo la safatay Sacuudiga, War-saxaafadeed culusna ku weerartay dalka Canada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo