Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya u aqoonsaday ‘AAG DAGAAL’ kadib wareegto uu soo saaray Arbacadii oo lagu qeexay arrintan.
Madaxweyne Trump ayaa amray in la qaado tallaabo awood dheeraad ah lagu siinayo in ciidamada Mareykanka ka howlgalaan dalkaasi oo uu shaaciyay inuu yahay Goob dagaal oo caddowga Mareykanka ka howgalo.
Sida ay qortay jariirada New York Times waxay arrintan saraakiisha ciidamada Mareykanka u gacan banneyneysaa inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha islaamiyiinta ee ka howlgala Soomaaliya sida Alshabaab.
Taliyaha taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa dhowaan sheegay inay aad muhiim ugu tahay awood dheeraad ah iyo dhaqdhaqaaq ay u helaan si ay go’aano degdeg u qaadan karaan.

Waxay wareegtada meesha ka saareysaa xeerarkii ka reebayay in ciidamada Mareykanka ay weerarradooda ku waxyeeleyn karaan dad shacab ah, xilliyada la bartilmaameedsanayo kooxaha islaamiga ah.
Dowladda Mareykanka waxaa hore Soomaaliya uga joogay ciidamo kumaandoos ah oo ilaa 60 askari gaaraya kuwaasoo howlgallo qorsheysan ku qaada xarumaha Alshabaab. Waxayna arrintan sii kordhin doontaa howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa u muuqata inaan lagu wargelin wax la-tashi ahna lala sameyn dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo heysta dhalashada Mareykanka, kana tirsanaa xisbiga Jamhuuriga.
Wadani.com