Ciidamada Masar ayaa waxay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen Mintidiin la ruymaysan yahay in ay yihiin kuwii fuliyay weerar lagu qaaday Misaajid ku yaalla Sinai.
Weerarka ayaa waxa ku dhintay 235 qof oo Misaajidkaasi ku cibaadaysanayay, iyadoo ay ku dhaawacmeen 110 kale, taasoo ahayd weerarkii ugu dhiig badnaa ee dalkaasi ka dhaca oo koox hubeysan ay abaabusho.
Ciidamadda Masar ayaa waxa ay sheegeen in ay duqaynta la bartilmaameedsadeen gaarigii loo isticmaalay weerarka. Howlgallo balaaran ayaa ka socda Gobolka Sinai oo ah halka uu weerarka ka dhacay waxaana lo diray ciidamo kala duwan oo kuwa dhulka iyo cirka isugu jira.
Madaxwayne Cabdul Fatax al-Sisi ayaa wacad ku maray in weerarkaasi looga jawaabi doono gacan bir ah, isla markaana uu ka daba tegi doono oo uu leyn doono kuwii falkaasi geystay, kadib markii uu isugu yeeray Golaha amniga dalkaasi oo ka kooban wasirada difaaca iyo gudaha oo uu wehliyo taliyaha sirdoonka guud.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray salaadda Jimcaha.
Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.
Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.