Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi aya xafiiskiisa magaalada Qaahir kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir uu ku baaqay madaxweynaha Masar oo ku saabsan xaaladda dalka Suudaan.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay xaaladda xiriirka labada dal iyo xaaladda Geeska Afrika. Madaxweyne Al-siisi ayaa la sheegay inuu bogaadiyey dadaalka Dowladda Soomaaliya iyo tallaabooyinka ay qaadeyso, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, sida xaaladda Suudaan; iyadoo madaxweyne Farmaajo uu taageeray dadaalka dowladda Masar iyo madaxweynaha dalkaasi ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed.




