Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa goor dhaw ka dagay magaalada Abuja ka dib markii lagu soo dawaynayay magaalada London muddo ka badan 3 bilood.
Wadooyinka magaalada ayaa waxa isugu soo baxay taageerayaasha madaxwayne Buhari oo ciyaaraya islamarkana heesaya taasi oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin soo laabashada madaxawayanha.
Shaqadiisa dib ma uusan ugu laaban markii ugu danbaysay oo uu dalkaasi dib ugu laabto.
Waxaa mudooyiinkii ugu danbeeyay dalka Nigeria ka jiray dibad baxyo looga soo horjeeday ka maqnaashiyaha madaxwaynaha ee dalka .
Dibad baxayaasha ayaa qaarkood ku baaqayay in uu xilka iska casilo ,halka qaar kale ay ku baaqayeen in uu dalka dib ugu soo laabmo.
Sii haya xilka madaxwaynanimada Nigeria,Yemi Osinbajo,ayaa tan iyo intuu qabtay xilkaasi waxa uu ku talaabsaday hormar aan sidaasi u sii balaarnayn.