Shir degdeg oo caawa la isugu yeeray Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan ka socda madaxtooyada, shirkaasi waxaa markii ugu horeysay guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo looga hadlayo qaraxii maanta ka dhacay hotelka Central ee magaalada Muqdisho oo dad fara badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay.
[ad name=”HTML-2″]
Shirkan ayaa ah mid xasaasi ah oo tijaabo u noqon doona xukuumada cusub iyo waxqabadkeeda dhinaca ammaanka oo ah arrinta ugu weyn ee xukuumadihii hore ku fashilmeen, Wuxuuna qaraxani ku soo beegmay iyadoo xukuumadda ay hadda uun xilka la wareegtay.
Waxaa hubanti la’aan badan ka jirtay muddooyinkii ugu danbeeyay talisyada ciidamada dalka oo qaarkood isbedel lagu sameeyay kuwo kalena la sugayo in wax laga bedelo, waxaase muuqata in xukuumada cusub ay durba la kowsatay xaalado cakiran oo laga sugayo inay wax ka qabato.
Madaxweynaha, Wasiirka warfaafinta iyo guddoomiyaha Gobolka oo saxaafadda la hadlay ayaa cambaareeyay qaraxa ka dhacay hotelka Central, laakiin waxaa laga sugayaa tallaabo ka badan cambaareyn iyo tacsi.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]