Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortegay Baarlamaanka Soomaaliya isagoo codsaday inuu khudbad ka jeediyo, taasoo ay u ogolaadeen guddoonka iyo xildhibaanada.
Khudbad qaadatay muddo saacad ah ayuu Xasan Sheekh Xildhibaanada u jeediyay isagoo ka codsaday inay ansixiyaan heshiiska doorashada, wuxuuna ku calaancalay haddii taasi dhici weydo in loo talin doono oo talada ka bixi doonto faraha Soomaalida iyo madaxdooda.
Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Baarlamaanka inay ansixiyaan heshiiska oo aanay wax dib u dhac ah gelin, loona qaadi cod mar kaliya dhacda dood la,aan.
Kadib khubadda Madaxweynaha ayaa guddoonka Baarlamaanka wuxuu bilaabay dood ku saabsan heshiiska doorashada, iyadoo ay is qoreen xildhibaano badan, waxaana sidaasi ku fashilmay codsigii madaxweyanah oo doonayay inuu goobta ka la tago heshiis la ansixiyay, iyadoo ay sugayaan wakiilada beesha caalamka iyo xubnaha Golaha ammaanka.
Wadani.com