Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweynaha oo jawaab yaab leh ka bixiyay walaacii Beesha caalamka

    Madaxweynaha oo jawaab yaab leh ka bixiyay walaacii Beesha caalamka

    November 3, 2014Updated:November 3, 20144 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Madxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa jawaab aan la fileyn ka bixiyay walaacii ay beesha caalamka ka muujisay khilaafka kala dhaxeeya ra’iisal wasaarihiisa iyo mooshinka la doonayo in lagu rido  xukuumadda ee ka socda Muqdisho. Qoraal uu dhowaan soo dhigay barta Facebook ninka lagu magacaabo Shador Haji Mohamud oo madaxweynaha xafiiskiisa ka shaqeeya ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu fahmayo walaaca beesha caalamka.

    Nuxurka warsaxaafadeedka madaxweynaha wuxuu ahaa:

    [blockquote style=”4″]”Aniga oo fahmaya walaaca Beesha Caalamka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Hey’adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya.”[/blockquote]

    Xafiiska warfaafinta Madaxweynaha ayaa u muuqda mid aad u arradan oo aan u shaqeyneynin qaab xafiis dowladeed oo rasmi ah, mana jiro, web rasmi ah oo madaxtooyadu leedahay, sidoo kale,  lama  arko wareegto qoraal oo asteysan raadraacna leh, waxaan kaloon jirin war toos ah oo isagu ka yimid cod ahaan, waxayna u muuqataa in xilligan khilaafka siyaasadeed socdo in madaxweynaha qaab fadhi-u dirir ah u soo saarayo wararka arrimahan quseeya.

     

    QORAALKA MADAXWEYNAHA KA SOO BAXAY WAXAA LOO DHIGAY SIDATAN

    Madaxweyne Xasan Sheekh: “Xaqdhowrka Madaxbannaanida Soomaaliya waa lama taabtaan”

    Muqdisho, 3 November 2014 – Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ‪‎Somalia‬, waxaan qirayaa dhammaan inta wakhti muhiim ah iyo hanti badan gelisay in ay Soomaaliya ku caawinto in ay gaarto guulaha muhiimka ah ee ku wajahan yoolka sare ee aan higsaneyno.

    Labadii sano ee na dhaafay, iyada oo ay gacan ka geysteen dadweynaha Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka, Baarlamaanka iyo beesha caalamku, Soomaaliya waxay ku tallaabsatay isbeddel weyn. Waxaan guul weyn ka gaarnay sii waditaanka isbeddelka annaga oo culeyska saarnay asaas-dhiga iyo u gogol xaaridda xasilinta dalka. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya AMISOM, wuxuu hoos keenay maamulka Dowladda 80% dhulkii Shabaab haysateen. Dowladda Federaalku waxay sameysay hannaan qaanuun, heykal dowladeed, unugtay nidaamka maamulka maaliyadda, xiriirka Soomaaliya ee beesha caalamka, xoojisay cilaaqaadka dalalka deriska ah, dib u habaynta hey’ado muhiim ah, hirgelinta Golayaal dib u heshiineed oo lagu wadahadlo, waddadana u xaartay isbeddel siyaasadeed waxayna diyaarisay Higsiga cusub ayada oo kaalmada caalamka lagu sidkay yoolkaeenna.

    Waxaa aaad noogu weyn filashada in horumarka la joogteeyo. Sidoo kale, waxaa nagu weyn in Soomaaliya loo daayo in ay horseed ka noqoto isbeddelkeeda. Markii ay Soomaaliya aqbalaysay in ay qayb ka ahaato heshiiska Hindisaha cusub, waxaan ku aqbalnay in uu ku saleysan yahay mabaaddii’da Iskaashiga ee ku cad Hindisaha Soomaaliya, kaas oo ay markhaati ka ahaayeen ayna ansixiyeen ka qeyb galayaashii Soomaaliya iyo kuwii Caalamiga ahaa ee ka wada qeyb galay Shirkii Brussels ee September 2013. Mabaaddii’da iskaashigu waxay si cad u qeexayaan baahida iyo filashada in horumarku ahaado mid ay Soomaalidu hagayso, Soomaaliduna ay leedahay – ha ahaado mid siyaasadeed, horumarineed, dhaqaale iyo bulsho.

    Waxaan hadda ku baaqayaa in mabaaddii’daas la xaqdhowro. Waxaan ku baaqayaa in la dhowro Xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida isla markaana uu qeexayo Dasttuurka Federaalka ah ee ku meel gaarka ah, ee ku wajahan in ay mustaqbalkeeda iyadu go’aan ka gaarto, mustaqbal ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka iyo shuruucdeenna.

    Waxaan mar kale u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Federaalka ka go’an tahay Higsiga 2016, si loo xaqiijiyo in Dastuurka dib loo eego, la turxaan bixiyo, aftina lagu ansixiyo, in Federaalka la dhammaystiro iyo u diyaargarowga doorashada 2016 uu xowli ku socdo. Ma diidsanin in howl badan ay na sugeyaam, wakhtiga lagu fulin lahaana uu yar yahay. Si kasta oo xaaladdeennu u qallafsan tahay, wax qabasho la’aan, dhinaca ay doonto ha ahaatee, lama aqbali doono.

    Aniga oo fahmaya walaaca Beesha Caalamka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Hey’adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya.

    -Dhammaad-

    For more information please contact
    Shador Haji Mohamud
    Office of the Somali President
    [email protected]
    Twitter: @thevillasomalia/@Shador_Haji

    Beesha caalamka Madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleErgeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya oo ka digay mooshinka uu wado Madaxweynaha
    Next Article Shirarkii Golaha Wasiirada oo u xayiran qorshe uu maleegay Madaxweynaha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo