Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hanjabay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inuu kala dirayo haddii aysan aqbalin in sid auu yahay loo ansixiyo heshiiska Qaabka doorashada 2016 ee ay ansixiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayay hanjabaadan kasoo xigteen qaar ka mida Guddiga Dib u eegista heshiiska doorashada, kadib markii ay isku mari waayeen qodobo ay Guddiga wax ka bedeleen oo ay ugu weyn tahay dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa u dooday in Gobolka Banadir arrintiisa dib loogu dhigay 2020, taasoo ay diideen inta badan xubnaha guddiga Baarlamaanka.
Beesha caalamka ayaa ku taageereysa madaxweynaha inuu kala diro Baarlamaanka kuna dhawaaqo diyaar garow doorasho, arrintan oo ahayd qodob ka mid ahaa Dastuurka KMG ah ee Federaalka oo ay hore u laaleen Baarlamaanka hadda jira.
Tallaabadan ayaa noqon doonta tan ugu danbeysa, marka wadahadallada la isku mari la’ yahay ee u socda labada dhinac ay soo xirmaan. Waxaana sidoo kale taageersan maamulada Puntland iyo Jubba.
Wadani.com