Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo u amba baxay dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka hogaamiyeyaasha Midowga Afrika.
Wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salan Hadliye ayaa shirkaasi hore ugu sugnaa. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalkaaxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Cabdullahi Axmed Jamac Ilka-jiir iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.
Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Daa’uud Aweys ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay dalka Koonfur Afrika uga qeyb geli doonaan shirka hogaamiyeyaasha Midowga Afrika, Shirkaasi oo ay hor yaalaan arrimo badan oo xaaladda Afrika iyo Soomaaliyaba ku saabsan.
Socdaalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Ra’iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa oo socdaallo dibadda ah ay ku jiraan, waxaa sidoo kale dalka maqan dhowr wasiir. Waxayna madaxda dowladda caan ku yihiin safarrada badan ee ay ku aadaan dalalka dibadda.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]