Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkisa ayaa xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe si kala gaara igu qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland oo saacado ka hor la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan ku-xigeenadiisa.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo maanta loo doortay, waxayna labada dhinac ka wadahadleen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa isna gaarkiisa u qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl isagoo u gudbiyey hambalyada xilka loo doortay.




