Madaxweynaha maamulka Puntland C/wlei Maxamed Cali (Gaas) ayaa Caawa ku haray magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle kadib markii uu ka qeyb galay caleema-saarkii madaxweynaha maamulkaasi.
C/weli Gaas ayaa noqday madaxweynaha maamul goboleedka kaliya ee ku haray magaalada Jowhar, isagoo caawa wadahadal gaara la leh madaxweynaha uu martida u yahay ee Maxamed Cabdi Waare.
Waa markii ugu horeysay ee C/weli Gaas uu yimaado magaalada Jowhar, isagoo aan hore u imaan caleemosaarkii hore, wuxuuna dhowaan noqday Guddoomiyaha Golaha ay sameysteen maamul goboleedyada, waxaana ku xigeen u ah Madaxweynaha Hirshabeelle.
Khudbadii uu Gaas ka jeediyay caleemosaarkii maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayaa ahayd mid degan oo aanay ka muuqaan ololihii iyo eedeyntii maalmahan ay u jeedinayeen dowladda Federaalka.