Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay Jawaab ay Puntland ka bixineyso, iyadoo shir degdeg ay Boosaaso ku yeesheen Golaha Wasiirada Puntland.
Wuxuu sheegay in wixii ka dhacay Muqdisho ay ahaayeen wax aan hore loo arag oo xasuuq ah, isagoo shacabka Puntland ugu baaqay inay ka qeyb qaataan gurmadka iyo culeyska ka jira magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay magacaabeen Guddi isku duba rida, ayna diyaarad sida daawo iyo dhaqaatiir u diri doonaan magaalada Muqdisho, isagoo ka tacsiyadeeyay.
“Dardaarankeygu waa in caddowgaasi u soo jeestay umadda xasuuqaya loo midoobo inta aysan dad danbe naga leynin..dhib kalena geysan…” ayuu yiri Madaxweyne Gaas
DHAGEYSO
