Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galay shirka ay beesha caalamka qabanqaabisay ee arrinta Doorashada.
Xubnaha soo dhoweeyay Siciid Deni waxaa ka mid ahaa xildhibaannada iyo Senatoordaa labada Aqal ee Baarlamaanka, wasiiro ka tirsan Jubbaland, wasiiro hore, mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada, waxaana xarun looga diyaariyey xarunta Xalane oo uu hore u deganaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Ma jirin mas’uuliyin ka socday dowladda Federaalka oo ka qeyb galay soo dhoweynta Madaxweyaha Puntland, waxaa kaloo ka baaqsaday maamulka Gobolka Banaadir oo aanay cidna u tegin soo dhoweynta sidii dhacday markii uu Muqdisho kasoo degay Axmed Madoobe.
Afhayeenka Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha Puntland ee Muqddisho oo qeyb ka ah wadahadalka arrimaha Doorashooyinka dalka. Waxaana weli caasimadda ka maqan madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Galmudug.
Ciidamadan oo si xoog leh u hubeysan oo wata Boobayaasha culus iyo qoryaha Gantaalaha laga tuuro ee RBG, ayaa maanta kasoo degay Garoonka Muqdisho, iyagoo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha Puntland.
