Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in diyaarad UN-ku leeyahay oo magaaladaasi ay diiday inay qaado Wafdi uu hoggaaminayey madaxweynaha PuntlandC/weli Gaas.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb oo lagu casuumay midowga maamullada Galmudug iyo Ahlu suna, waxayna arrintan timid kadib markii diyaaradda UN-ka ay diiday inay qaado Boorsooyin ay wateen wafdiga Gaas iyadoo aan la baarin
Dood iyo Muran ka dhashay arrintan oo muddo qaatay ayaa sababay inuu baaqdo safarkii Madaxweyne Gaas ee magaalada Dhuusmareeb, waxayna diyaaradii dib ugu laabatay magaalada Muqdisho, kadib markii ay diideen madaxda la socotay Madaxweyne Gaasin la baaro agabkii ay wateen.
Ilaaladii la socotay madaxweyne Gaas ayaa hubkii laga dhigay iyadoo loo ogolaaday inay hub la’aan raacaan dioyaaradda, laakiin dhibaatada ugu weyn ayaa ka timid in la baaro xamuulkii ay wateen madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa oo ay diideen in la baaro.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayai n Madaxweynaha Puntland uu ka noqdy garooka Gaalkacyo, iyadoo aan la ogeyn inuu sidaasi uga baaqday munaasabadda Dhuusamareeb iyo dadaal kale jiro.