Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magacabay wasiiru dowleyaal iyo wasiir kyu xigeeno cusub oo ka mid noqonaya xukuumadda Puntland.
Wareegto xafiiskiisa ka soo baxday April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno ayaa u qorneyd sida soo socota:
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey. Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu latashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.
Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduun) loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.
Waxaa Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
–DHAMMAAD—