Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulalaahi Deni ayaa si buuxda u taageeray dib u doorashadii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, isagoo sheegay inay maamul Goboleedyada uu xaq u leeyahay inuu qabsado Doorashadiisa.
Madaxweyne Deni oo u warramay BBC-da ayaa sheegay inaan marna la aqbali karin muddo kororsi loo sameeyo dowladda Federaalka ee hadda jirta, isagoo cadeeyay in waxa kaliya ee dadka Soomaalidu heshiiska ku yahay ay taahay in afartii sanaba mar ay doorasho dhacdo dalka.
“Labo sano iyo bar kaddib ma hayno hannaan doorasho, laakiin waan rajeynaynaa, dalku waqti kororsi kama bixi karo, Soomaalidu waxa keliya ee haatan ay heshiiska ku tahay waa in 4-tii sanaba ay mar doorasho dhacdo ilaa burburkii kadib”. Ayuu yiri Siciid C/llaahi Deni.
Wuxuu intaas raaciyey in Puntland ay siyaasad ka yeelan doonto hanaanka doorashada dalka, isla markaana la kaashan doonto maamul Goboleedyada kale.