Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa Galabta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Waxaa Garoonka kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka Gaadiidka Cirka, xildhibaano iyo qeybaha bulshada, isagoo la dejyay Hotel ku yaalla Garoonka Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland ayaa hore u shaaciyey inuu ka qeybgalayo Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo uu shaaciyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Waxaa sidoo kale Muqdisho isla galabta soo gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo isna ka qeybgeli doona shirka Wadatashiga ee Ra’iisal wasaare Rooble uu ku baaqay, si loo saxo cabashada Doorashada Golaha Shacabka.





