Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, June 9
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo Weerar afka ah ku qaaday Muuse Biixi [Akhriso khudbadii Gaas ee Baarlamaanka Puntland]

    Madaxweynaha Puntland oo Weerar afka ah ku qaaday Muuse Biixi [Akhriso khudbadii Gaas ee Baarlamaanka Puntland]

    June 23, 20183 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Puntland ayaa si kulul uga hadlay xaaladda dagaalka Tukaraq ee maamulkiisa kala dhaxeeya Somaliland, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo khudbad ka horjeediyay golaha Wakiilada Puntland. HOOS KA AKHRISO KHUDBADDA GAAS

    Mudanayaal, Maanta waxaan ku jirnaa dagaal mana aha dagaalkaan la ina kusoo qaaday mid la mid ah kuwii aan horey ku geli-jirnay, waa mid saameyn ku leh diinteena, dalkeena, jiritaankeena iyo Dawladnimadeena, waa dagaal dhaafay Anshaxa suuban, Soomaalinimada iyo jaarnimadii Soomaalida lagu yiqiin, waa dagaal salka ku haya been,Argagixiso iyo Isir-nacayb.

    Mudanayaal, Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa SL iyo PL, Gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, Gobolka Sool maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso Mushaar looga raadsado, Gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu ilmadu gobo’leyso oo aduunku daawado, Gobolka Sool maaha Shandadd inta diyaarad lala raaco Ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo-tago, Gobolka Sool Dhul iyo Dad-ba waa reer Puntland waxaana laga xoreynaa cadowgu dulhoganaya, waxaana u sheegayaa Shacabka Gobolka Sool kuma noolaan doontaan colaad, ciilqab iyo xabsiga Maamulka Hargeysa haddii Alle idmo.

    Sidoo kale waxaan u sheegayaa shacabweynaha Puntland, Tan iyo markii Laascaanood la qabsaday reer Sool waxay ku jireen dulinimo, caga-jugleyn, isku dir iyo dil joogto ah, maantana waxaa loogu daray cuburin, xabsi joogto ah iyo in la yiraahdo dalka malihidin ee iska guura, sidaa darteed waxaa la idin ka doonayaa inaad garab istaagtaan qorshaha soo celin Gobolka Sool ee ay Dawladdu wado.

    Shacabka Puntland waxay Dawladdu u sheegaysaa inaad u hiilisaan walaalihiin reer Sool, lana garab istaagtaan Naf iyo Maal-ba, sidoo kale waa inaad ogaataan Abaalka aad maanta dhigataan inuu noqon-doono kayd idiin yaal kumanaan sanno oo socda.

    Muuse Biixi waxaan leeyahay, “ Xaashaa lilaahiye beenta waa, laga xishoodaa“ wada-hadal ayaan Federaal la galayaa intaan Puntland soo weeraro, xuduud ayaan soo xirayaa, Ictiraaf –baan doonayaa horaa loo yiri “ Afkaa jeexan baa loo hadlaa iyo saa iriye, Kala aragnay tuugaa ordaayiyo eeda kii falaye”.

    Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa Gobolka Sool nasiiyay, waxaan u sheegaynaa Ingiriis dhulkaan malaha, wuxuu ahaa gumeyste maalmo joogay oo aan iska xoreynay, kumanaan Daraawiish ah iyo Soomaali kale ayaa dhiigooda u huray Naftoodana u hibeeyey si ay iskaga xoreeyaan heeryadaas gumeysiga.

    Haddaba, Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis uu dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Xudun-na maaha Birmingham, Taleex-na maaha Cardiff Shacabka Somaliland Dawladda Puntland waxay u caddeynaysaa inay ula diyaar nahay walaaltinimo, daris wanaag iyo wada-noolaasho buuxda, waxaana na-farax gelinaya sharaftiina iyo karaamadiina, Shacabka Soomaaliland waxaan u sheegaynaa Muuse Biixi Puntland dhibaato kuma hayo, laakiin dibindaabyada uu Soomaaliland ku hayo ha laka badbaadiyo horaa loo yiri “ Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay”, ee dhibaatada uu idinku hayo iska badbaadiya.

    Ugu Danbeyntii: Dawladda Puntland waxay aqoonsan tahay xuduudii ay Dawladdii Soomaaliya u kala sameysay Gobolada Togdheer iyo Sool, haddii ay wax ka qaldan yihiin waxaan kala hadlaynaa cidkasta oo samadoon ah, laakiin Gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal 6/23/2018 Akhriso khudbadii madaxweyne Gaas uu kaga hadlay arrimaha gobolka Sool dhexdooda cidii wadahadal ka doonaysa dee waxaan ku leenahay “ Af aadan lahayn aamus lama yiraahdo” beentaas yaan waqti la iskaga qaadin Laascaanood iyo Garoowe xuduud Makala yeelan-doonaan taa hala ogaado.

    Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal. Waxaan u Mahadcelinyaa dhammaan Golaha Wakiilada, waxaanna u rajeynayaa in kalfadhigaan uu noqdo mid meel mariya Agendeyaasha iyo shaqooyinka horyaalla kuna dhamaada guul, waxaana si rasmiya ugu dhawaaqayaa in kal-fadhigii 41-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uu furan yahay.

    Allaa Mahad leh
    Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
    Madaxweynaha Dawladda Puntland

    Gaas Muuse Biixi Puntland Somaliland Top Tukaraq
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin ku saabsan Weerar Alshabaab ku qaaday Kolonyo AMISOM & Ciidamada Danab [Gaari lagu qabsaday]
    Next Article SAWIRRO: Dad iska dhigay Dawarsadeyaal oo loo qabtay Qarixii Adis ababa & Qasaaraha oo gaaray 132 dhaawac ah

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo