Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa si wadajira xarunta madaxtooyada kula kulmay wafdigii ka socday Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda Baarlamanka Kenya oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Qaabilaadda kadib hadallo ay is dhaafsadeen labada dhinac, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahad celiyey wafdiga Kenya booqashada ay ku yimaadeen dalka, isagoo sheegay inay muhiim u tahay xoojinta iskaashiga labada dal. “Soomaaliya iyo Kenya waa deris uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo, taariikhda cusub ee Soomaaliya ee qormeysa, Kenya qeyb ayay ka tahay” ayuu yiri madaxweynaha
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wafdiga u sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso maalgashiga ganacsatada Kenya, dowladda Soomaaliyana ay fududeyn doonto sidii arintaasi loo suuragelin lahaa. Wuxuu Madaxweynaha wafdiga ka codsadey inay salaan diiran ka gaarsiiyaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Madaxweyne ku Xigeenkiisa William Ruto iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Kenya. Kulankaasi waxaa sidoo kale ka hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo diiradda saarey muhimada xoojinta xiriirka labada dal, iyo dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan.
Wafdiga ka socda Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa waxaa ka mid ah Mudane Ilyaas Barre Shiil, Xildhibaan Richard Onyonka, Xildhibaan Wafula Wamunyinyi iyo mas’uuliyiin kale. Xubnaha Wafdiga Kenya ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan xoojinta iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.