Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa kusii jeedaa dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada New York, isagoo markii ugu horeysay ka qeyb galaya shirka Golaah Guud ee Q/Midoobay, taasoo ka dambeysay markii uu iska celiyey baasaboorkii Mareykanka ee ka hor taagnaa in maamus madaxwene uu helo inta uu ku sugan yahay Mareykanka.
Farmaajo ayaa Khudbad ka jeedin doona shirka 74aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu hortago Golahaasi, waxaana labadii sano ee uu xilka hayay Somalia u metelay Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha dibadda
Madaxweyne Farmaajo ayaa horaabntii August 2019 ku dhawaaqay in uu ka laabtay dhalashadii uu ka heystay Mareykanka ee labadii sano ee la soo dhaafay ka hor istaagtay in uu tago New York.