Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Madaxweynaha Somaliland oo baabi’iyey Heshiisyo ay xukuumadiisa kula jirtay saddex Shirkadood [Wareegto]

    Madaxweynaha Somaliland oo baabi’iyey Heshiisyo ay xukuumadiisa kula jirtay saddex Shirkadood [Wareegto]

    August 11, 20182 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Muuse Biixi Cabdi
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray in xukuumadiisu la wareegtay maamulka Haamaha Berbera, Amniga iyo Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

    Wareegtada  Muuse Biixi ayaa lagu caddeeyay in la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka shirkadda BOG, Adeegga Amniga Madaarada Shirkadda SRM, iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal Shirkadda EPASS.

    HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

    Markaan Garwaaqsaday:In daryeelka iyo ilaalinta hantida guud ay tahay waajib saaran xukuumadda, hantidaas oo hadii loo baahdo lagu wareejin karo kali ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka dalka;

    Markaan Xaqiiqsaday: Mihiimadda ay leedahay la soo noqoshada hantida dawladda, oo il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act);

    Markaan Arkay: Mihiimadda ay leedahay in dawladdu la soo noqoto hanti-ahaan iyo maamul ahaanba Haamaha Shidaalka Berbera, Adeegga Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Baarkinka Madaarka Cigaal, sababo amni iyo dhaqaale awgeed;

    Markaan Xaqiiqsaday: In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor imanayso waajibka xukuumadda ka saaran ilaalinta hantida Qaranka iyo uga faa’iidaynta dant guud;

    Markaan Helay: Talo soo jeedinta guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Heer Qaran iyo talo bixintii sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadahah BOG, SRM iyo EPASS;

    Waxaan Go’aamiyey;

    1) In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

    2) In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.

    3) In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

    4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

    5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

    Allaa Mahad Leh
    Muuse Biixi Cabdi

    Hargeysa Muuse Biixi Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShirkadda Jubba Airways oo Xajka Sanadkan ka baajisay Boqolaal Xujey ahaa & Xaalad soo wajahday
    Next Article SAWIRRO: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Dhagax dhigay Wado cusub oo laga dhisayo Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo