Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu Berri qorsheynayo inuu socdaal ku tago dalka Itoobiya.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu martiqaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dhinac oo uu mugdi soo galay tan iyo intii uu xilka yimid Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
Waa markii ugu horeysay ee Muuse Biixi uu socdaal ku tago dalka Itoobiya intii dalka Itoobiya hoggaankiisa qabtay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isbaheysi dhow la leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.