Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in warkii ku saabsanaa tirada ciidamada Kenya ee ku dhintay dagaalkii Ceelcade si xun loo tarjumay oo saxaafadda ay jaha wareerisay ee aanu ula jeedin sida loo faafiyay.
Qoraal Madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxay ayaa sharaxaad ka bixiyay wixii uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay wareysigii uu siiyay Telefishanka Somali Cable.
Qoraalka madaxweynaha oo ka soo baxay magaalada Jabuuti, laguna soo beegay saacado ka hor inta uusan Jabuuti ka furmin shirka madaxda ciidamadoodu joogaan dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuusan marna madaxweynaha Soomaaliya u jeedin inuu shaaciyo tirada ciidamada Kenya ee ku dhintay Dagaalkii Ceelcade.
“Tirada ciidamada 180 ilaa 200 askari ee madaxwenynaha ku sheegay wareysiga TV-ga Soomaalida loolama jeedin inuu yahay tirada saxda ah ee ciidamada walaalaheena Kenya uga dhintay weerarkii argagixiso ee Ceelcade, laakiin madaxweynaha wuxuu sharxayay baaxada Xerada iyo tirada ciidamada ku sugnaa marka weerarka argagixiso dhacay” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya caawa kasoo saartay Jabuuti.
Qoraalka sidoo kale lagu xusay in madaxweynaha Soomaaliya ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay xafladii baroordiiqda ahayd ee lagu maamuusay askartii walaalaha Kenya ee weerarkii argagixiso ee Ceelcade lagu dilay ee lagu qabtay Eldoret, waxaana warka Madaxtooyada sii daba dhigay in wareysiga uu madaxweynuhu ku difaacayay go’aankii uu ku qaatay inuu ka qeybgalo maamuuska askarta Kenya loogu sameeyay Eldoret.
Waxaa qoraalka lagu soo gabagabeeyay in dadka Soomaaliyeed ay si buuxda u taageerayaan ciidamada nabadda ee ay u soo direen Soomaaliya, isla markaana la qeybsaneyso walaalahood Kenya xanuunka iyo murugada kasoo gaartay askartii looga dilay weerarkii argagixiso ee Ceelcade.
HOOS KA AKHRI QORAALKA MADAXTOOYADA EE MADAXWEYNAHA
GOOBJOOGE.COM