Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in si buuxda Dowladda Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaiya.
Isagoo ka hadlayay galabta kulanka Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya magaalada New York ayuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in sida kaliya ee Alshabaab looga adkaan karo ay tahay in ciidamada Soomaaliya la dhiso, si fiicanna loo qalabeeyo, taasoo ku xiran in xayiraadda hubka laga qaado Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Kulanka Golaha ammaanka ka sheegay in horumar badan laga gaaray arrimaha dhismaha dowladnimada iyo la dagaalanka argagixisada, wuxuuna sheegay baahida loo qabo in fursado shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wuxuu ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyagoo tahriibaya Badda Dhexe ku geeriyooday, wuxuuna dalalka u dhow Badda shilku ka dhacay ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii dadka meydka ah loo heli lahaa.
Shirka Golaha ammaanka ee arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay wakiilada 15-ka dal ee Golaha Ammaanka ka mida.
Wadani.com