Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweynaha Somaliya oo safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho u tegay la-kulanka Wasiirka Iskaashiga Britian

    Madaxweynaha Somaliya oo safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho u tegay la-kulanka Wasiirka Iskaashiga Britian

    July 25, 20152 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta safaaradda Ingiriiska ee ku taalla gudaha garoonka Muqdisho degaanka Xalane kula kulmay wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee Britian Grant Shapps oo socdaal laba maalmood ah ku joogay Muqdisho. gaar ahaan xaruta safaaradiisa ee ku taalla degaanka Xalane sida sida weyn loo ilaaliyo. Madaxda Soomaalida ayaa caadiyan garoonka diyaaradaha iyo Xalane taga marka ay la kulmayaan mas’uuliyiinta ka socda dalalka reer Galbeedka iyo Mareykanka, taasoo ihaano ku ah madaxda qaranka.

    Hassan-Shapps

    [spacer color=”0E14C2″ icon=”Select a Icon” style=”1″]

    Hoos ka akhri warsaxaafadeedka madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay booqashadaasi

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Grant Shapps oo booqasho laba maalmood ah waddanka ku yimid.

    Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya dhinacyada, amniga,siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. Waxaa uu Madaxweynaha Boqortooyada UK uga mahad celiyey, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

    Shapps-Hassan

    “Dowladda Soomaaliya waxaa weli ka go’an hirgelinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016 iyo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, lana xaqiijiyo in bulshada qeybaheeda kala duwan ay door ku yeeshaan aayaha siyaasadda waddankooda. Taageerada Britain mar walba muhiim ayay inoo tahay, waxaana ka mahad celinayaa dadaalka gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare David Cameron uu ku taageerayo Soomaaliya”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Mr Shapps, oo ayaa dhankiisa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey dhowaanahan, gaar ahaan dhinacyada amniga, isku dhafka ciidammada iyo ansixinta guddiyada madaxa banaan ee salka u ah Hiigsiga 2016.

    Waxaa kale oo uu ku ammaaney Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada hirgelinta federaalka, maareynta maaliyadda iyo xisaabadka dowladda iyo dadaalka dhinaca dib u heshiisiinta.

    “Soomaaliya weli muhiim ayay inoo tahay marka loo eego siyaasadda arrimaha dibedda ee Britain, oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyada gargaarka aadmiga iyo horumarinta. In la taageero si loo helo Soomaaliya oo xasiloon, isla markaana horumarsan, waxay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed, gobolka iyo caalamka intiisa kale. Si arintan looga mira dhaliyo, ayaa waxaan caddeynayaa in go’aankan uu yahay mid qeyb ka ah danaha qaranka ee Britain’’, ayuu yiri Mr Shapps.

    Wasiirka ayaa intii uu dalka joogay kulamo la qaatey mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

    -DHAMMAAD-

    [ad name=”HTML-1″]

    Grant Shapps Madaxweynaha Mogadishu
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMuxuu Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas kala soo laabtay safarkiisii magaalada Nairobi?
    Next Article Dad ku dhintay duqeyn Diyaarado Itoobiyaan ah ka geysteen duleedka Buurhakaba

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo