Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in dadkii la socday diyaaradii dhowaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ay gacanta ku dhigeen maleeshiyada Alshabaab.
Wareysi uu siiyay VOA-da laanta Af Soomaaliga ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inay baarayaan diyaaradaasi iyo shilka ku dhacay, wuxuuna intaas ku daray in diyaaradaasi ay u gacan gashay burcad ama maleeshiyada Alshabaab oo afduubtay dadkii saarnaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaarada oo meel duur ah ku dhacday, qaar dugaagta la nool haddii ay ku soo hormareen oo dadkii saarnaa afduubteen aan sidaas looga harin ee la daba joogo.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA QEYB KA MIDA
Wadani.com