Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, iyadoo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen madaxda Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne C/weli Gaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mida madax ka qeyb galeysa furitaanka Garoonka casriga ah ee magaalada Boosaaso oo berito laga furayo magaalada, iyo xaflad lagu xusayo sanadguurada markii xilka loo doortay C/weli Gaas.
Madax fara badan ayaa ka qeyb geleysa furitaanka Garoonka Boosaaso oo waxyar uun ka hor dhacaya shirka Madasha Qaran ee magaalada Kismaayo lagu wado inuu uga furmo madaxda Soomaalida.
Wadani.com