Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Madaxweynaha ayaa ka mida madax ka qeyb galayesa shir maalinta berri ah ka furmi doono shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya iyo arrimo ay ka mid yihiin mustaqbalka ciidamada AMISOM, sidii ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen ammaanka dalkooda iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.
Waxaa shirka marti gelinaya madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni, waxaana ka qeyb galaya Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Shirkan waxaa ka horeeyay shir kale oo gogol xaar ah oo ay yeesheen Taliyeyaasha dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo lagu diyaariyey istiraatiijiyad ku saabsan howgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shirka ayaa yiri “Shirkan waa mid muhiimad gaar ah u leh qorsheyaasha la xiriira dib u dhiska ciidanka, iyadoona DFS ay u gudbineyso Madaxda shirkan qorshe cad oo ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda difaaca dalkooda, taas oo Madaxweynuhu ka codsan doono in ay ku taageeraan.”
Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb gelaya Shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka