Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in sida Daacish loola dagaalamo Alshabaab (Akhri khudbad)

    Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in sida Daacish loola dagaalamo Alshabaab (Akhri khudbad)

    September 30, 20154 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    New York,  September: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley Shir Madaxeed gaar ah oo looga hadlayey la dagaalanka kooxda ISIL iyo xagjirnimada, kulankaas oo uu martigeliyey Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, kana dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York oo uu ka socdo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    xasan-sheekh

    Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgaley inta badan hoggaamiyeyaasha caalamka, iyagoo ka doodayey sida loola tacaalayo caqabadaha la xiriira la dagaalanka argagixisada caalamiga, iyo sida looga hortagayo faafitaanka xagjirnimada hubeysan.

    Madaxweynaha ayaa kulan madaxeedkaasi kadib sheegay in dagaalka argagixisada uu yahay mid caalami ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

    “Dunida waxay aragtey isku dayada fuleynimada ku dheehan ee Al Shabaab ku dooneyso inay ku carqaladeyso horumarka Soomaaliya. Weerarada waxashnimada ah ee ay ka geysteen dalalka deriska ee Bariga Afrika waxay muujiyeen in khatarta argagixisada aaney ku koobneyn oo keliya xudduudaha Soomaaliya”.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley hawlgalada milateri ee dowladdiisa ay ku qaaddey Al-Shabaab oo uu sheegay inay mira dhal ahaayeen.

    “Guulaha Soomaaliya ee dhinaca la dagaalanka argagixisada saddexdii sanno ee la soo dhaafey waxaa ay muujiyeen in Al Shabaab laga guuleysan karo. Soomaaliya waa dalka keliya ee awooday inuu si wanaagsan dhulkiisa ugu jebiyo koox argagixiso caalami ah.”

    Saddexdii sanno ee la soo dhaafey, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay dib u xoreysey magaalooyin dhowr ah iyo saldhigyo. Al-Shabaab, oo mar gacanta ku haysey inta badan Koonfuurta Soomaaliya, ayaa waxaa laga saarey boqolkiiba 80 dhulkii ay ka talinayeen. Hawlgalka looga guuleystey Al Shabab oo ay wada fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, waxaa uu muujiyey in Al Shabaab ay u nugul yihiin hawlgalada milatari ee sida hufan la isugu dubbarido.

    Madaxweynaha ayaa qirey doorka muuqda ee dalalka Midowga Afrika ee hawlgalka AMISOM ciidammada ugu deeqay sida – Uganda, Burundi, Sierra Leone, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia, oo uu sheegay inay cayaareen door wanaagsan oo lagu taageerayo Soomaaliya.

    “Guuldarooyinka milatari ee la soo gudboonaadey awgood, Al Shabaab waxay dagaalkooda u weeciyeen xeelado cusub oo ay koox koox ugu fulinayaan weeraro argagixiso oo ay ku qaadayaan goobo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah iyo weliba dalalka deriska. Si tani looga hortago, waxaanu diyaariney siyaasad iyo sharci dhibaatadan lagu wajahayo , waxayna tallaabadani inoo suuragelineysa inaan yeelano barnaamij inoo gaar ah oo aan kaga hortagno argagixisada,” ayuu yiri Madaxweynaha.

    Istaraaatiijiyadda la dagaalanka argagixisada waxay Soomaaliya u suuragelineysaa inay kaga hortagto shabakadaha argagixisada, iyadoo laga hortagayo barnaamijyadooda, lagana xayirayo awoodaha ay u yeelan karaan inay si xor ah ugu fuliyaan falal argagixiso iyo inay qortaan dhalinyaro la qasbey ama maskaxda laga xadey oo ay ka dhigtaan malishiyaad u dagaalama. Waxaa kale oo istaraatiijiyaddan ay hay’adaha dowladda u saamaxayaan inay adeegyada bulshada ee aasaasiga ah u fidiyaan shacabka ku nool degaannada laga xorreeyay Al Shabaab, iyo in la baahiyo fariimo dadka looga digayo khatarta fikradaha khaldan ee takfiiriga ah iyo aydoloojiyadda xagjirnimada.

    Talaabooyinkan waxay kale oo keeni karaan in xubnaha Al Shabaab ay ururkaasi isaga baxaan, isla markaana ay noqdaan dad qaata mabaadi’da dowladda ee ku dhisan dib u heshiisiinta, iyo dhaqangelinta barnaamijyo lagu dhaqan-celinayo dhalinyarada ay saameeyeen fikradaha khaldan ee Al Shabaab.

    “Horumarka wanaagsan ee aan sameyneyno ka sokow, waxaa dhanka kale xaqiiq ah in caqabadaha jira ay badan yihiin. Waa inaan ka guuleysanaa Al Shabaab, isla markaana aan xajisanaa goobaha aan xorreyney. Waa inaan waqti badan iyo hantiba gelinaa dadaalada dib u heshiisiinta si aan xukunka ugu baahino goobaha cusub ee dhowaan laga saarey cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

    Madaxweynaha ayaa beesha caalamka ku ammaaney taageerada ay ka geysanayaan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, laakiin waxaa uu sheegay in muhimadda ugu weyn ay tahay in la horumariyo ciidammada Soomaaliya, kuwaas oo hanan kara nabadgelyada dalka. Waxaa uu Madaxweynaha ku baaqey in la dhameystiro barnaamijka isku dhafka ciidammada, kaas oo si hufan ku bilowday, loona baahan yahay in taageero buuxda loo fidiyo si loo helo ciidan hufan oo qaranka Soomaaliyeed uu leeyahay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ku baaqey in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada.

    “Iyadoo kooxaha argagixisada ay sameynayaan falal ay dadka kaga dhaadhicinayaan fikirkooda, dhexdoodana uu ka jiro iskaashi, ayaa waxaa loo baahan yahay inaan inaguma mowqif mid ah ka yeelano. Waa inuu jiraa dadaal heer gobol ah oo aan u wada dhannahay , kaas oo looga soo horjeedo Al Shabaab. Qorshe noocaas ah waxaa uu suuragelin karaa inaan gebi ahaanba ka adkaano Al Shabab, isla markaana aan hor istaagno in maliishiyaadka Bariga Afrika ay isbaheysi la sameystaan kooxaha kale ee argagixisada sida Boko Haram iyo ISIL”.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ugu baaqey dalalka Bariga Afrika inay sameystaan istaraatiijiyad loo dhan yahay oo looga hortagayo argagixisonimada si looga hortago khatarta argagixisada iyo xagjirnimada, isagoo intaa raaciyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qorshahaasi qeyb ka noqoto.

    — DHAMMAAD—

    [ad name=”HTML-1″]

    Alshabab Daacish Madaxweynaha Soomaaliya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKusimaha Madaxweynaha Mudane Jawaari oo war-saxaafadeed soo saaray
    Next Article XOG: Madaxweynaha Jabuuti oo shir u qabanaya madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Somaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo