Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray Madaxweynaha dalka Masar iyo shacabka dalkaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday masjid ku yaalla dalka Masar oo lagu dilay in ka badan 200 qof, wuxuuna isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay garab taagan tahay dowladda Masar.
“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca shacabka Soomaaliyeed waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay falkii argagxisiso ee lagu dilay maanta dadka aan waxba galabsan masjidka Siinaa..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal tacsi ah u diray Masar.
Wuxuu intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin walaallahood Masar, wuxuuna si adag u cambaareeyay falalka kooxaha argagixisada ah ee ku kacay falka foosha xun oo lagu laayay dadka ku sugnaa masjidka Carish ee Gobolka Sinai.