Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu ku guuleystay aftidii guud ee dadweynaha dalkaasi.
Aftida ayaa loogu codeynayay in Jamhuuriyadda Turkiga ay noqoto nidaam madaxweyne oo awoodda balaaran uu leeyahay madaxweynaha oo uu u ololeynayay madaxweyne Erdogan, iyo inay kana guurto nidaamkii Baarlamaaniga ahaa.
Natiijadii aftida dadweyne oo si weyn loogu soo baxay ayaa noqotay in 51.6% ay dadka Turkiga u codeeyeen ‘HAA’ isbedelka lagu sameeyay dastuurka dalkaasi oo dalka Turkiga ku noqonayo dal uu madaxweyne ka taliyo, isla markaana uu leeyahay awoodda ugu weyn ee talada dalka, halka 48.4% ay ‘MAYA’ ugu codeeyeen.
Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay guusha laga gaaray aftida dadweyne wuxuuna hambalyo ku diray xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarka oo si weyn ugu olleeyay aftida.
Dadweyne u dabaaldegaya isbedelka ka dhacay nidaamka xukunka dalka Turkiga ayaa bilaabay inay isugu soo baxaan.
Wadani.com