Madaxweynaha Turkiga Rejeo Dayip Erdogan ayaa kulan la yeeshay Haweeneyda asalkeedu Soomaaliga ah ee ka tirsan Golaha Wakiilada Mareykanka ee magaalada Minnesota dalka Mareykanka Ilhaan Cumar.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, waxayna qeyb ka ahayd kulamada uu madaxweynaha Turkiga la yeelanayo madaxda iyo shaqsiyaadka caanka ah.
Madaxweynaha Turkiga oo ka qeyb galaya shirka 72-aad Golaha Guud ee Q/Midoobay ayaa kulanka uu la yeeshay Ilhaan Cumar wuxuu qaatay 40 daqiiq oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan sida aya shaacisay wakaalada wararka Anadol.
